Rasaas Goos goos ah oo caawa laga maqlayo Muqdisho iyo Wararkii Ugu dambeeyay

Rasaas goos goos ah ayaa caawa ka socota xaafado kamid ah Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, waxaana caawa barakac sameenaya dadka kunool xaafadaha lagu dagaalamayo iyo xaafado kale oo ka fog fog.

Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya balse u abaabulan qaab beeleed ayaa ku dagaalamaya xaafadaha Saban Saban iyo Haanta dheer ee kuyaala inta u dhaxeysa Isgoosyada Ex-Contarol Afgooye iyo Kuliyadda Jaalle Siyaad.

Rasaas laga ridayo qoryaha daran dooriga u dhacaya ayaa si weyn looga maqlayaa halka lagu dagaalamayo, waxaana rasaasta iyada oo wiifto ah ku dhaceysa xaafado ka fog fog halka lagu dagaalamayo.

Dadka kunool xaafadaha lagu dagaalamayo iyo xaafadaha ku dhaw dhaw ayaa caawa wadnaha farta ku haya, waxa ayna dadka qaarkood gabaad ka dhiganayaan guryaha shubka iyo dabaqyada si ay wiiftada uga bad baadaan.

Shacabka ayaa qaarkood iyaga oo guryahood jooga dhulka jiifa si ay wiiftada uga bad baadaan , waxaana caawa cabsi xoogan ka jirtaa xaafado katirsan Degmada Dayniile oo lagu dagaalamayo.

Dagaal u dhaxeeya ciidamo kawada tirsan dowlada balse u abaabulan qaab beeleed ayaa galabta ka bilowday Xaafado katirsan Degmada Dayniile, dagaalka ayaana xoogiisa joogsaday salaadii maqrib kadib inkastoo wali rasaas goos goos ah dhaceyso.

Ciidamada dagaalamaya oo helaya gurmadyo kala duwan ayaa wali isku hor fadhiya halka ay ku dagaalamayaan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka sii xoogeesto hadii aan dowlada tilaabo deg deg ah qaadin.

Dowlada Soomaaliya ayaab wali ka hadlin dagaalka kusoo noq noqday xaafadahan katirsan Muqdisho, waxaana dagaalkan khasaaraha xoogiisa uu soo gaarayaa dad shacab ah oon waxbo galabsan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -