Wararkii ugu dambeeyey dagaalo illaa xalay ka socday degmada dayniile & khasaaraha ka dhashay

Xiisad colaadeed ayaa maalintii labaad ka taagan qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir oo shalay gelinkii dambe illaa xalay saqdii dhexe ay ka socdeen dagaalo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa u dhexeeyey ciidamo ka tirsan milateriga oo qaab beeleed u abaabulan kuwaasoo isku heysta dhul ku yaalla Xerada seben seben (77).

Dagaalkii shalay ilaa xalay ka socday xaafado ka mid ah degmada deyniile ayaa sababay Barakaca shacab fara badan oo ku noola aagga uu dagaalka ka socdo iyo meelo ku dhow dhow kuwaasoo ka baxsanayey rasaasta wiiftada ah oo xaafadahooda soo gaareysay.

“Xalay oo dhan ma seexan, dagaal ayaa dusheena ku socday waan isaga cararnay guryaheena sababtoo ah xaafadaha halkaas ku yaalo oo dhan waxay u badan yihiin guryo jiingado ka sameysan oo aan rasaasta looga nabadgelaynin” ayuu yiri goob jooge ka mid ah dadka ka barakacay rasaasta la isweydaarsanayey.

Ugu yaraan shan qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamayey iyo shacab ayaa inta la ogyahay ku naf waayey dagaaladan illaa xalay sida goos gooska ah u socday halka qaar kale ay ku dhaawacmeen.

Xaalada goobihii lagu dagaalamay ayaa saaka degan inkastoo mararka qaarkood la maqlayey rasaas teel teel ah, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in goor dhow aaga lagu dagaalamay ay gaareen saraakiil iyo ciidamo milatari ah oo ku baxay joojinta dagaalkan, iyagoo ku guuleystay iney qaadaan ciidamada mid ka mid ah dhinacyadii halkaas ku dagaalamay, waxaana socda wadahadalo ku saabsan sidii dhinaca soo haray ciidankooda goobtaas looga qaadi lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -