War Deg Deg Ah: Dagaal xoogan oo hada ku socda magaalada Muqdisho

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamo kawada tirsan Dowlada Soomaaliya oo u abaabulan qaab beeleed ayaa xiligan waxa uu ka socdaa xaafado kuyaala magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo la isku adeegsanayo hub kala duwan ayaa si xoogan hada uga socda xaafadaha Saban Saban iyo Haanta dheer ee kuyaala Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Sida aan Wararka ku heleyno ciidamada dagaalamaya ayaa isugu jira ciidamo katirsan dowlada oo u abaabulan qaab beeleed iyo maleeshiyada hubeesan, waxa ayna isku heestaan dhul sharci daro ah oo kuyaala xerada Saban Saban.

Dadkii deganaa xaafadaha uu dagaalku ka socdo iyo xaafadaha kale ee ku dhaw dhaw ayaa horey uga barakacay guryahooda, waxa ayna dadka qaar hada sameenayanaan barakac xoogan.

Dagaalkan ayaan aheyn mid ku cusub xaafada Saban Saban , waxaana maalmihii lasoo dhaafay xaafadaasi marar badan ka dhacay dagaalo khasaaro xoogan uu kasoo gaaray dad shacab ah.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku guul dareesatay in dagaalka joojiso aagaasna ka saarto maleeshiyaadka iyo ciidamada kale ee dadka shacabka ah ku dhax dagaalamaya, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka sii xoogeesto hadaan dowlada talaaban qaadin.

Aaga lagu dagaalamaayo ayaana aad ugu dhaw xarunta Wasaarada Gaashaandhiga oo maalmihii lasoo dhaafay xarun u aheyn Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana sidoo kale aagaas ku dhaw Kuliyadda Jaalle Siyada ee dagan yihiin AMISOM iyo ciidamo Milatari ah.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha dagaalkan kala soco Wararkayag dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -