Allbanaadir.com
NEWS

Turkiga oo qalab caafimaad oo muhiim ah ugu deeqday Dowlada Soomaaliya (Sawirro)

Wasiirrada caafimaadka, arrimaha dibadda iyo gargaarka ayaa si wadajir ah safiirka Turkiga ee Soomaaliya maanta uga guddoomaya qalab caafimaad oo dowladda Turkigu ay ugu deeqday dowladda Soomaaliya, si ay ugu adeegsato dagaalka loogu jiro xakameynta Faafitaanka COVID19.

Gargaarka ay dowladda Turkigu soo gaarsiisay dowladda Soomaaliya waxaa kamid ah qalabka Sheybaarka, qalabka lagu neefsado, Labiska shaqaalaha caafimaadka iyo qalab kale oo muhiim ah oo dhammaan xilligaan loo qabay baahi xooggan.

Wasiirrada ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la garab taaganyihiin, iyo gurmadka degdegga ah ee xilliyada xaaladaha adag ay soo cusboonaadaan.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa munaasabadda ka sheegay in diyaarado kale oo gargaar caafimaad sida ay maalamaha soo socda soo gaari doonaan magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta kahor tagga iyo xakemynta cudurka halista badan ee COVID-19.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Immisa kiis oo COVID-19 ayaa dalka laga helay 24-kii saac ee la soo dhaafay?

Caydiid Ali

Guddoomiyaha golaha Shacabka oo baaq u diray xildhibaanada ka maqan kulamada Golaha

Cabdi Cade
Taboola Ads ---