Taliye Indha-qarshe: “In laba sano iyo bar Ciidanku soo maraan Shan Taliye Sax maaha”

Taliyihii xilka laga qaaday ee Ciidanka Xoogga dalka Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa si weyn u dhaliilay hannaanka loo maray xil ka qaadistii lagu sameeyey isaga iyo taliyeyaal kale.

Indha Qarshe ayaa intaas ku daray in aanay sax aheyn in labo sano iyo bar gudahood 5 Taliye soo marto Taliska xoogga dalka.

“In laba sano iyo bar Ciidanku soo maraan Shan Taliye Sax maaha, Madaxweynaha Ciidanka sidaas haka daayo, halkii Taliye ee u horeeyay ayey aheyd in loo daayo, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhigga, Odawaa Yuusuf Raage hala siiyo waqti lagula xisaabtamo la yiraahdo waxbaa qabatay ama wax ma qaban, laakiin hadii dhowr bilood ka bacdi la bedelo isagana wixii lagula xisaab tami lahaa meesha ma yaalo, Ciidanka wuxuu u baahan yahay Taliye rasmi ah oo waqti la siiyay” ayuu yiri indho-qarshe.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee xilka ka sii dagayo Sareeye Guud Daahir Aadan Cilmi (Indho Qarshe) ayaa sheegay iney sii kordheyso awoodda ciidamada qalabka sida, ayagoo ku guuleystay inay ka xureeyaan al-Shabaab degaano badan oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Sareeye Guud Daahir Aadan Cilmi ayaa xusay inay Ciidanka Qaranka isku fidiyeen degaanadii Al-Shabaab weerarka ka soo qaadi jireen waxaana uu ku sii daray in ay ciidanku hadda ay gacanta ku hayaan afar wado oo ay marin u aheyd argagixisada si ay ugu soo gudbaan caasimada Muqdisho.

Taliyaha ayaa soo hadal qaaday weerarka dhawaan ka dhacay degmada Awdheegle oo uu sheegay in jab weyn lagu gaarsiiyay al-shabaab, waxa uuna cadeeyay taasi inay tusaalle fiican u tahay awoodda ciidanka ee dalka oo aad u sii kordheysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -