Dalkii laga maalgeliyey Weerarkii hotel Dusit2 oo la ogaaday iyo baaritaano socda

Baareyaal Kenyan ah ayaa jooga Dalka Koofur Africa si ay u dabagalaan halka ay ka timid lacag gaareysa 2.3 billion oo Shilinka Kenya ah taasoo loo adeegsaday weeraddii lagu qaaday hotelka Dusit 2 ee magaaladda Nairobi iyadoo laga soo diray Bank ku yaala magaaladda Cape Town.

Qayb ka mid ah lacagtaas waxaa lasoo diray xiliyo kala duwan, baareyaashuna waxay ogaadeen in lacagtaas loo isticmaalay howlgallo laga fuliyay qaybo kala duwan ee dalka Kenya ugu dambeyntiina lagu fuliyay weerarkii ay ku dhinteen 21 ruux, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Kooxda baareyaashu waxay ka kooban yihiin Hogaanka Dambi Baarista, Booliiska argagixiso la Dirirka, Unugga Sirdoonka Dambiyadda iyo dacwad ooge ka tirsan xafiiska Xeer ilaalinta guud.

Waxay u joogaan magaaladda Cape Town inay soo helaan dadkii lacagta soo diray iyo waxa ujeedkoodu ahaa. Warbixin ayey sidoo kale ka heleen Dowladda koofur Africa, waxaa Warbixintaas ka mid ah aqoonsiga faraha.

Sida uu ku waramayo Wargeyska the Standard-media ee dalka Kenya, kooxda baareyaasha ah waxay magaaladda Cape Town ka heleen muwaadin Kenyan ah oo loo maleynayo inuu lacagta diray iyo qof ka mid ah Shaqaalaha Bankiga lacagta laga soo diray oo isaguna wajahaya eedo argagixiso.

Muwaadin kale oo Kenyan ah ayey sidoo kale ka heleen magaaladda Pretoria kaasoo lagu eedeeyay inuu isku qarinayey qaxootinimo islamarkaana uu maal-geliye weyn u yahay Al-shabaab.

Booqashadda baareyaasha Kenya ay ku tageen Koofur Africa waxaa la filayaa in ay shaaca uga qaadaan Shabakado dibadda ah oo Al-shabaab maalgeliya, haddii ay yihiin Shaqsiyaad iyo Shirkado.

Baaritaan horudhaca ah ayaa muujinaya in  mid ka mid ah raggii hogaaminayay Weerarkii Dosit 2 ee horaantii sanadkan uu isticmaalay 70 lambar oo lacag lagu kala wareejiyay islamarkaana uu hub ugu iibiyay ragii la shaqaynayay, musharna uu ka siiyay raggii sahanka u ahaa.

Kenya ayaa Dowladda Koonfur Africa ka dooneeysa in ay u ogolaato warqadaha Bangiga ee ay adeegsaeen dadka lacagta diray ee weerarka maalgeliyay.

Baaritaanku waxaa uu sidoo kale muujinayaa in qayb ka mid ah lacagta laga soo diray koonfur Africa oo gaareysa 9 million oo Shilin loo soo diray Soomaaliya iyadoo la soo marsiiyay ninka mid ah raggii abaabulay Weerarka weli warkiisa la baarayo.

Qofka lacagtaas ku soo diray Soomaaliya waxaa uu lahaa 52 Account oo M-pesa ah waxuuna 47 Account oo ka mid ah uu diiwaan geliyay sedax bilood gudahood isagoo adeegsanaya aqoonsiyo kala duwan.

Hanaanka maaliyadeed ee ay Al-shabaab adeegsadaan ayaa ah mid aad u xirfadeysan oo ay xitaa waqti badan ku qaadaneyso inay fahmaan baareyaaasha xirfadoodu sareeyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -