Wafdi ka socda beesha caalamka oo Muqdisho soo gaaray & Xog ku aadan ujeedada safarkooda

Wafdi ka socda beesha caalamka ayaa goor dhow ka soo degay garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho kuwaasoo u yimid inay xal u raadiyaan khilaafka hareeyey Golaha shacabka Soomaaliya.

Xubnaha wafdigan oo ka kooban wakiilo sare oo ka socda QM iyo wadamada deeqda bixiya ee taageera dowladda Soomaaliya ayaa haatan xarunta Xalane kulamo kula leh safiirada beesha caalamka u fadhiya Somalia.

Sidoo kale, waxaa  lagu wadaa wafdigan iney saacadaha soo socda kulamo la qaataan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Raisul wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ku xigeenadiisa iyo xubno kale.

Xubnahan ayaa la sheegay in xiriiro la soo sameeyeen dhinacyadan is haya, isla markaana ay kula taliyeen in la qaboojiyo xaalada, si hoosena loo xaliyo kala aragti duwanaanshaha taagan.

Wakiilada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya waxay la kulmeen maalin ka hor Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiye Jawaari, iyadoo kulamadaasi ay noqdeen kuwo guul dareystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

- Advertisement -