Allbanaadir.com
NEWS

Aktar Caan ahaa oo geeriyooday iyo Waxa sababay geeridiisa oo la shaaciyay

Waxaa magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka ku geeriyooday aktar caan ka ahaa bulshada Madowga Mareykanka oo lagu magacaabayay Chadwick Boseman oo 43-sano jir ahaa .

War kasoo baxay Qoyska aktarka ayaa lagu xaqiijiyay geerida ku timid, waxa ayna qoyskiisa oo aad u murugeesnaa sheegeen in aktarka u dhintay xanuunka kansarka oo mudooyinkii dambe la ildranaa.

“Chadwick waxa uu ahaa Dagaalyahan geesi ah, waxa uuna idin soo jilay filimaan aad wada jeclaateen, nasiib uma yeelan in uu soo noolaado xanuunka kansarka ayuuna u dhintay.” ayey yiraahdeen qoyskiisa.

Aktarkan geeriyooday ayaa jilay filimaan caan ka noqday qaarkoodna uu ku helay abaal marino ay kamid ahaayeen filimada Marshall to Da 5 Bloods iyo Black Panther oo noqday kuwa si weyn loo fiirsaday loogana helay.

Geerida ku timid aktarkan ayaa waxaa aad uga naxay dad badan oo taageerayaal u ahaa, waxaana baraha bulshada ka bilowday baroordiiq iyo tacsi ay u sameenayaan taageerayaashiisa iyo asxaabtiisa .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo Go’aano culus soo saartay iyo Musharaxiinta oo ka digay qorshe Halis ah 

Cabdi Cade

DF oo War ka soo saartay booqashadii Xassan Shiikh ee ciidankii ku maqnaa ErItreya

Caydiid Ali

RW Rooble: “Gacantii Ikraan Tahliil dishay ayaa ka dambeysay dilka Xildhibaanad Aamino”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---