Allbanaadir.com
NEWS

Adolf Mwesige oo wax laga weydiinayo shaki ka taagan khasaaraha Weerarkii Buulo mareer

Gudoomiye ku-xigeenka baarlamanka dalka Uganda ayaa u yeeray Wasiirka difaaca dalkaas si wax looga weydiiyo askartii dhawaan lagu dilay gobolka Sh/hoose gaar ahaan degaanka Buulo mareer.

Wasiirka difaaca wadankaas Adolf Mwesige ayaa wax laga weydiinaya tirada rasmiga ah ee askarta Uganda uga geeriyooday weerarkii Al-Shabab ku qaadeen saldhig ay ku leeyihiin magaalada Buulo Mareer 1-dii bishan.

Gudoomiye ku-xigeenka baarlamanka Uganda ayaa sheegay in dadka reer Uganda ay u baahan yihiin inay ogaadaan khasaaraha ciidamadooda soo gaaray sidaa darteedna xukuumada laga sugayo inay tiro koob rasmi ah soo saarto.

Waxaa uu xusay inay wasiirka Difaaca uga baahan yihiin inuu xildhibaanadda ka hor akhriyo tirada rasmiga ah ee askarta geeriyootay iyo magacayadooda taasoo ah mid  keeni karta in tirakoob sax ah la helo.

“Dawladu ma shaacin tirada rasmiga ah ee askarta ku geeriyootay weerarkii Axadii Soomaaliya ka dhacay hadda ayaanse uga fadhinaa” ayuu yiri Ku-xigeen afhayeen baarlamanka Uganda waxaana uu intaa ku daray iney Xukuumadda uga baahan yihiin inay shaaciso waqtiga ciidamada Uganda laga saarayo Soomaaliya.

Uganda siyaabo iskhilaafsan uga hadashay khasaaraha kasoo gaaray weerarkii Axadii Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga ay ku leeyihiin magaalada Buulo Mareer.

War taliska Uganda kasoo baxay waxaa lagu sheegay in afar askari ay weerarkaasi ku geeriyoodeen iyadoo Madaxweynaha dalkaasina uu todobaadkii hore bartiisa Twiterka ku baahiyay in 8 askari ay weerarkii Buulo Mareer ku waayeen, halka Al-shabaab ay sheegeen iney ku dileen 59 askari.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Xasan Shiikh iyo Boqor Cabdalla Binu Xusseen?

Caydiid Ali

DEG DEG: Duqeyn culus oo ka dhacday Jilib & Warar hordhac ah oo laga helayo

Caydiid Ali

Daawo Video:-Qisooyinka Nabiyada “Nabi Muuse Iyo Buurtii Duur ee Alle Kula Hadlay Iyo Ushii Maska Noqotay!

admin
Taboola Ads ---