Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mashaqo lama filaan ah oo saameysay Xaflad aroos ka dhaceysay gobolka Mudug

Xaflad aroos xalay ka dhacday tuulada Lulubsho oo hoos tagta degaanka Wisil ee gobolka Mudug ayaa ku soo gebagobewday dhimasho, dhaawac iyo tiiraanyo.

Mashaqadan ayaa timid ka dib markii rasaas loo ridayey dabaaldega iyo mashxarada arooskan ay si lama filaan ah u haleeshay qaar ka mid ah dadkii ka dhowaa goobtaas iyo ka soo qeyb galayaashii arooska, iyadoo dhaqanka aroosyada lagu dhigo gobolka Mudug iyo qeybo ka mid ah gobolada kale ee dalka ay qeyb ka tahay in rasaas dabaaldeg ah hawada loo rido.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday rasaasta, halka mid kalena uu ku dhaawacmay, waxaana mar kaliya farxadii iyo mashxaradii ka jirtay arooska ay isu rogtay tiiraanyo iyo murugo.

Ruuxa dhaawacmay ayaa haatan lagu dabiibayaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, oo aad uga fog goobta uu shilkaas ka dhacay, waxaana intii wadada lagu sii jiray geeriyooday qofkii labaad oo dhaawaciisu aad u cuslaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Ciidanka Ruushka oo dagaal labo bilood ah ka dib qabsaday Mariupol

Caydiid Ali

Diyaarad ku dageysay Qansax Dheere oo rasaas lagu furay iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey Khilaaf ka dhex curtay Xaaf iyo Ahlu Sunna

Caydiid Ali
Taboola Ads ---