Mukhtaar Roobow oo laga soo saaray xabsigii uu ku jiray (Xagee la geeyey)

Shiikh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa la sheegay in laga soo saaray xabsiga Xarunta Hay’adda Nabad sugidda Qaranka NISA oo ku yaalla degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya Mukhtaar Roobow la geliyey xabsi guri, lana dejiyay dhisme ku yaala Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya halkaasoo ay ku ilaalin doonaan ciidanka Nabad sugida.

Ehelada Mukhtaar Roobow ayaa horey walaac badan uga muujiyey arintan, iyagoo sheegay in haddii xabsi guri la geliyo laga yaabo iney beegsadaan Xoogaga Al-Shabaab.

Roobow ayaa la sheegay inuu mudooyinkan la ildarnaa xanuuno kala duwan oo haleelay, iyadoo dhowr jeer laga saaray xabsiga, lana dhigay Isbitaal.

Bartamihii bishii Disembar ee sanadkii hore ayaa Mukhtaar Roobow laga soo xiray Magaalada Baydhabo, waxaana xarigiisa ka dambeysay dowlada Somalia oo u adeegsatay ciidamada Itoobiya ka dib markii uu diiday inuu ka laabto Musharaxnimadiisa madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dowladu ay si weyn uga soo horjeeday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -