Maxkamada sare ee Puntland oo go’aan ka gaartay Ragii kufsiga iyo dilka u geestay Caisha Ilyas

Maxkamada sare ee maamulka Puntland ayaa maanta go’aan kama dambeys ah ka gaartay sadex nin oo loo heestay in dil iyo kufsi naxariis daro ah u geesteen Caa’isha Ilyaas oo 12 sano jir ahayd.

Maxkamada sare ayaana ku raacday go’aankii horey Maxkamadaha darajada koobaad iyo tan racfaanka Puntland xukunka dilka ah ugu rideen sadexda nin ee loo heestay in dil iyo kufsi u geesteen Caa’isha Ilyaas.

Sadexda nin ee xukunka dilka ah lagu riday ayaa labo kamid ah waxa ay yihiin walaalo kuwaa oo kala ah Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame ninka sadexaad ayaa isna ah Cabdishakuur Maxamed Digge.

Ragan xukunka dilka ah ku riday Maxkamada sare ayaa horey u qirtay in ay ku lug lahaayeen dilka iyo kufsiga magaalada Gaalkacyo loogu geestay Caa’isha Ilyas oo aheyd 12-sano jir aan qaan gaarin.

 

- Advertisement -