Madaxweyne kuxigeenka Puntland weerar afka ah ku qaaday Golaha Iskaashiga maamul goboleedyada

Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/llaahi Cumar Cameey ayaa shaaca ka qaaday in waqtigooda uu dhamaaday golihii la magac baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

Camey ayaa sheegay in Golaha Iskaashiga uu meesha ka baxay ayna isugu soo hareen xubno kooban oo haraadi ah, kadib markii ay golahaasi isaga baxeen Maamulada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

”Nimankii la magac baxay Golaha Iskaashiga waqtigooda wuu sii dhamaanayaa , waxaa hada isugu soo haray haraadi, Hirshabelle horey ayey uga baxday Isbaheysigan ,Shariifna waa kii is casilay, kuwan hada soo haray naftooda doorasho ayaa ku furan ” Ayuu yiri Ing Camey.

Madaxweyne kuxigeenka  Puntland C/xakiin C/llaahi Cumar Cameey ayaa si weyn uga soo horjeeda Golaha Iskaashiga ee qeyb ka tahay Puntland, waxaana muuqanaya in uu Khilaaf u dhaxeeyo Xiligan Gaas iyo Camey.

Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada oo markii hore lagu aas aasay Shan maamul ayaa hada waxaa isugu soo haray Sadex maamul oo kala ah Puntland, Jubbaland iyo Maamulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -