Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo loo dhaariyay Madaxweynaha cusub ee Jubbaland

Baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa maanta sidii la filayay Madaxweyne u doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo isagu hormuud u ahaa qaban qaabada iyo maamulida doorashada uu kusoo baxay.

Axmed Madoobe ayaa helay 56-cod , waxa uuna si buuxda ugu guuleestay doorashada shakiga la galinayo hufnaanteeda , waxaana doorashada kadib Axmed Madoobe loo dhaariyay in mudo 4-sano ah hogaamiyo maamulka Jubbaland.

Doorashada ka dhacday magaalada Kismaayo ayaa waxaan goobjoog ka aheyn Dowlada federaalka Soomaalia iyo Wakiilada Beesha Caalamka, waxaana kaliya doorashada goobjoog ka ahaa Xildhibaano katirsan labada Aqal oo mucaarad ku ah dowlada Dhaxe.

Dowlada federaalka ayaa horey u cadeesay in aysan aqoonsan doonin natiijada kasoo baxda doorashada Jubbaland, waxa ayna dowlada ku baaqday in la qabto doorasho xur iyo xalaal ah ay raali ka yihiin dadka reer Jubbaland.

 

Related posts

In ka badan 180-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab oo la sheegay in saakay lagu dilay weerar…

Cabdi Cade

Waa kuwee Shanta Kursi ee uu Farmaajo doonayo in laga fujiyo Axmed Madoobe?

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo shaaciyay halka dagaalka u jihaysan doono kadib Galmudug

Caydiid Ali
Taboola Ads ---