Wasiirka amniga & Taliska Qeybta 21-aad ee Galmudug oo ka wada hadlay qorshe cusub

Wasiirka amniga gudaha XFS mudane Maxamed Abuukar Islow oo uu wehliyo wasiirka arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaalka, ayaa duleedka magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Taliska qaybta 21-aad, guddiga amniga caasimadda Galmudug iyo taliyaasha laamaha amniga oo dhan.

Wasiirka amniga ayaa saraakiisha ciidanka kula dardaarmay ka shaqeynta qarannimada iyo midnimada si loo xoreyo degaannada Galmudug ee wali al-shabaab ay ka waddo amni darada, loona hubiyo fulinta mashaariicda horumarineed ee ay qaybta ka tahay dhismaha dekadda Hobyo.

Taliyaha guutada 15-aad ee qaybta 21-aad, Gen. Mascuud Maxamed Warsame oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in isku-dhafkii ciidanka ay sare u qaaday qorshaha sugidda amniga, midnimada, wada-shaqeynta ciidanka ka dhexeysana ay argagaxisaduna ku abuurtay cabsi iyo welwel joogta ah.

Gen. Mascuud Maxamed Warsame ayaa bulshada degaannada Galmudug guud ahaan ka codsaday inay kala shaqeeyaan adkeynta amniga, iyo xoreynta degaanada ay weli joogaan Al-shabaab.

Maxamed Abuukar Islow oo caddeeyay in hoggaanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ciidanka ku garab taagan yihiin shaqada ballaaran ee ay qaranka u hayaan, ayaa dhamaan reer Galmudug ka codsaday inay muujiyaan isku duubni iyo wada-shaqeyn horseedda gaaridda horumarka la tiigsanayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -