Trump oo diiday natiijada doorashada & dibad-baxyo ka socda Maraykanka (Sawirro)

Madaxweynaha Maraykanka Trump ayaa ka soo horjeestay natiijada doorashadii ka dhacday Maraykanka oo uu ku guuleystay musharaxii xisbiga dimoqraadiga Joe Biden.

“Dhammaanteen waan ognahay sababta uu Joe Biden ugu ordayo inuu si been ah isaga dhigo qofka guuleystay, iyo sababta warbaahinta isaga saaxiibbada la ah ay ugu dadaalayaan inay si adag u caawiyaan, ma doonayaan in runta la soo bandhigo,” ayuu yiri Trump oo ciyaaraha golf ku ciyaayey xaruntiisa Virginia, xilligii uu soo baxayey warka sheegayey in Biden uu ku guuleysanayo doorashada madaxtinimada Mareykanka.

“Xaqiiqada la ogyahay waxay tahay in doorashadan aysan dhamaasho u dhoweyn,” ayuu sidoo kale intaas ku daray Trump oo xusay in tirinta codadka aysan weli dhammaanin, aysanna ansixinin saraakiisha doorashada, wararka ay warbaahinta shaacinayaan.

Donald Trump, isagoo aan caddeyn u haynin ayuu sheegay in kooxda ololaha Biden ay doonayaan in codadka la tiriyo xitaa iyadoo wax is dabamarin ay jirto ama codad been ah ama in ay codeyeen dad dhintay iyo kuwa aan u qalmin.”

“Muxuu Biden qarinayaa? Ma nasan doono illaa shacabka Mareykanka ay ka ogaanayaan tirinta codadka oo daacad ah, taana waa midda Dimuquraadiayadda ah”. ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Dhinaca kale, Taageerayaasha Biden ayaa si weyn ugu dabbaaldagaya magaalooyinka Maraykanka tan iyo markii uu soo baxay warka sheegaya inuu Biden ku guuleystay natiijada doorashada Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -