Qarax dhimasho & dhaawac badan sababay oo Caawa ka dhacay Muqdisho

Qarax ayaa caawa salaadii maqrib ka dib waxaa uu ka dhacay nawaaxiga isgoyska Sanca  ee Degmada Kaaraan , waxaana qaraxan dhawaqiisa laga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan oo noociisu ahaa Miinada dhulka lagu aaso lala beegsaday Gaari uu la socday Gudoomiye kuxigeenka dhinaca amniga Degmada Dayniile Axmed Nuur Adeerow .

Qaraxan oo ka dhacay meel aan sidaa uga fogeyn Isluulka Godey ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo ka soo baxay Masaajid halkaas ku yaalla.

Ugu yaraan saddex ruux oo shacab ah ayaa qaraxan ku geeriyooday halka ku dhowaad 10 qof oo kale ay ku jiraan ciidamo ay ku dhaawacmeen kuwaasoo loo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna xireen wadada, iyagoo halkaasi caawa ka wada baaritaano.

Xalay ayay aheyd markii Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka iyo siyaasadda degmada Wadajir qarax Miino lagula eegtay meel ku dhow Isgoyska Danwadaagta ee degmadaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

- Advertisement -