Jawaari oo si yaab leh uga hadlay ciidamadii uu maanta ku qabsaday xarunta Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha shacabka Qaranka Maxamed Cismaan Jawaari oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay wixii maanta ka dhacay xarunta Baarlamanka.

Jawaari ayaa si yaab leh u dafiray in ciidamo uu watay ay qabsadeen xarunta Baarlamanka, isagoo arintaas ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin oo la been abuuray, wuxuuna xusay in Kaliya uu xarunta la tagay 11 askari oo dhar cad ah.

“Waxaan idin weydiinayaa 11 askari oo dhar cad ah meel lagu qabsan karaa, Jawaari ayaa qabsaday Xarunta golaha shacabka waxay la mid tahay, Madaxweynaha ayaa qabsaday Villa Somalia, maxaa yeelay xarunta golaha shacabka anigaa ka taliya” ayuu yiri Jawaari oo intaas ku daray in wararka sheegaya inuu qabsaday xarunta Baarlamanka ay yihiin kuwo ay faafiyeen xildhibaanada isaga horjeeda.

Mar uu ka hadlayey taliyeyasha ciidamada ee isaga ku eedeeyey inuu qabsaday xarunta baarlamanka ayuu sheegay in taliyeyaasha uu saaran yahay culeys kaga imanaya Xukuumada, ayna mudan yihiin in loo dulqaato, wuxuuna xusay inuu dhowr jeer kala hadlay iney arimaha siyaasada faraha kala baxaan.

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad C/wali Muudey iyo xildhibaano badan ayaa ku eedeeyey gudoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa labaad Mahad Cawad iney xoog ku qabsadeen xarunta Baarlamanka oo maanta ay tageen xildhibaano iska soo horjeeda oo labo ajende kala watay, halkaasna isaga dareeray markii Jawaari uu la galay ciidamo hubeysan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -