Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo iyo Dhigiisa Jabuuti oo kulan muhiim yeeshay (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta magaalada Jabuuti ku yeeshay wadahadallo miradhal ah oo ku aaddan sare u qaadidda xiriirka xooggan ee labada dal.

Kulanka ay yeesheen kadib labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Jabuuti waxay ku heshiiyeen in la sii dardargeliyo iskaashiga labada dal oo ah mid ku dhisan walaaltinnimo iyo wax wada qabsi.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Jabuuti taageerada walaalnimo uu la garab taagan yahay dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jabuuti ayaa dhankiisa amaanay dadaalada iyo horumarada dowlada Soomaaliya ku talaabsatay mudadii lasoo dhaafay, waxa uuna balan qaaday in dowladiisa ay sii wadeyso taageerada dowlada Soomaaliya .

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa leh xiriir walaalnimo iyo mid iskaashi, waxa ayna Jabuuti marar badan qabatay shirar Soomaaliya dowladu loogu soo dhisay waxa ay sidoo kale Jabuuti Soomaaliya usoo dirtay ciidamo dowlada ka taageera nabad oo celinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo diyaarado iyo maraakiib dagaal oo dheeraad ah u diraya …

Cabdi Cade

Culimo Quraan-saar u socday oo ku dhamaaday Qarax ka dhacay duleedka Xudur

Caydiid Ali

Taliyihii booliiska ee xilka laga qaaday oo amar siiyay Saraakiisha booliiska (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---