Madaxweyne caan ah oo shacabkeeda ugu baaqday iney yareeyaan dhalmada

Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu ayaa dadkeeda ka codsatay inay yareeyaan dhalmada, sababo la xirriira tirada carruurta dhasha oo sare u kaceysa.

Hadalkan ayay jeedisay kaddib markii sida ay sheegtay ay aad uga argagaxday warbixin lala wadaagay oo ku saabsan tirada carruurta dhalata bil kasta.

“Shalay waxaan soo maray Buselesele, waxaana la igu war geliyay in hal xarun oo caafimaad lagu dhalo 1000 canug bil walba” ayey tiri Mar ay la hadleysay shacabka degaanka Bukombe ee galbeedka Tanzania.

Warbixinta rasmiga ee tirakoobka guud ee la qaaday sanadkan ayaa tirada dadweynaha ku nool dalkaas lagu qiyaasayaa inay ka badnaan doonaan 60 Milyan oo qof.

Arrintan ayaa ku soo aaday xili faqriga saboolnimada iyo shaqo la’aanta ay ku badan yihiin dalkaas oo ka mid ah dalalka geeska Afrika ee dhaqaalahoodu hooseeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -