Ciidamada AMISOM oo goordhaw Jawaari ka kaxeeyay Xarunta Baarlamaanka

Ciidano katirsan AMISOM uu horkacayo taliyaha ciidankaasi  Paul Lokech ayaa goordhaw xarunta Golaha shacabka ka kaxeeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari iyo kuxigeenkiisa 2-aad.

Gudoomiye Jawaari ayaa saakay tagay xarunta golaha shacabka oo la filayay in uu ka dhaco kulan Baarlamaanka lagu horgeenayo mooshinka laga gudbiyay, hasa ahaatee Jawaari ayaa xoog u adeegsaday joojinta shirkaasi.

Ciidamo hubeesan oo la socda Gudoomiye Jawaari iyo kuxigeenkiisa labaad ayaa la sheegay in saakay xoog ku galeen xarunta golaha shacabka, waxa ayna ciidanka abuureen xiisad sababtay in shirka Baarlamaanka baaqdo.

Gudoomiye Jawaari iyo kuxigeenkiisa oo saacado badan ku sugnaa xarunta golaha shacabka ayaa ugu dambeyn waxaa goobtaasi ka kaxeeyay ciidamo katirsan AMISOM oo amaankiisa si gaar ah u ilaalinayay.

Xarunta Villa Hargeysa uu degan yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa uu halkaasi kula kulmay Taliyaha ciidamada AMISOM  Paul Lokech, waxa uuna Jawaari ka codsaday taliyah in amaankiisa la adkeeyo.

Taliyaha ciidamada AMISOM  Paul Lokech ayaa xarunta Villa Hargeysa ka sheegay in waajibaadkooda shaqo ay qeyb ka tahay ilaalinta amaanka Gudoomiyaha Baralamaanka Soomaaliya  maadaama uu wali xilka hayo.

Gudoomiye Jawaari ayaa la filayaa in goordhaw shir jaraa’id ku qabto xarunta Villa Hargeysa kana hadlo kulankii Baarlamaanka ee maanta baaqday, waxaa sidoo kale la filayaa in eedeyn u jeediyo Madaxda dowlada iyo taliyaasha laamaha amaanka.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -