Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo weerar xoogan ku qaaday Saldhigyo ciidan oo kuyaala Bariire

Dagaalahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay saqdii Dhaxe weerar xoogan ku qaaday saldhigyo ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Al Shabaab ayaa dhowr jiho ka weerartay deegaanka Bariire gaar ahaan saldhigada ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo socday daqiiqado badan.

Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay in ay iska difaaceen weerarka ay Al Shabaab kusoo qaadeen, waxaana si weyn deegaanka Bariire looga maqlayay xalay daryanka Madaafiicda iyo hubka culus ee labada dhinac is dhaafsanayeen.

Wali lama oga khasaaraha ciidamada huwanta ah iyo kuwa Al Shabaab kasoo gaaray dagaalkii xalay ka dhacay Bariire , waxaana sidoo kale wali la ogeyn kjhasaaraha shacabka kasoo gaaray dagaalkaasi.

Xaalada deegaanka Bariire ayaa saakay ah mid degan, waxaana dadka deegaankaasi hadal hayaa dagaalkii xooganaa ee xalay ka dhacay deegaankaasi iyo waliba saameyna uu ku yeeshay dadka deegaanka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Duqeymo culus oo saaka ka sii socda Gaza iyo dad badan oo ku dhintay (Sawirro)

Caydiid Ali

Iran oo wacad ku martay iney xanuunjin doonto Israel

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre oo Digniin adag u diray Wasiirada iyo Masuuliyiinta kale ee dowlada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---