Al Shabaab oo Waqti dheeraad ah siisay Odayaashii iyo Ergadii soo doortay Baarlamaanka

Bayaan Al Shabaab  45-cisho kahor soo saareen ayaa lagu amray Odayaasha dhaqanka iyo Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka in ay iska soo xaadiriyaan deegaanada ay maamulaan si looga cafiyo dambiga la sheegay in ay galeen.

Al Shabaab ayaana mudo 45-cisho ah u qabatay in ay cafis ku dalbadaan Odayaasha iyo Ergada soo doortay Xildhibaanada, waxaana waqtigii loo qabtay in ay isku soo diiwaan galiyaan Odayaasha iyo Ergada ku ekeyd shalay oo taariikhdu ku beegneyd 31-ka Aougst.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in 10-maalin dheeraad ah lagu daray in ay isku soo diiwaan galiyaan Odayaashii iyo ergadii soo doortay Xildhibaanada Baarlamanaka si ay u toobad keenaan loona cafiyo.

Hogaanka Al Shabaab ayaa sheegay in fursad dheeraad ah u siiyeen Odayaasha iyo ergada kadib markii ay codsiyo ka yimaadeen waxgaradka beelaha sidoo kale ay jiraan dad isku diiwaan galiyay in ay yimaadana deegaanada Al Shabaab maamulaan.

Al Shabaab ayaa sheegtay in deegaanada ay maamulaan iska soo diiwaan galiyeen 635 xubnood oo isugu jira Odayaal iyo ergooyin ay Al Shabaab sheegeen in ay maqleen baaqoodii kana towbadkeen dambi ay sheegeen in horey u galeen.

Odayaasha iyo Ergooyinka Al Shabaab u tagay ayaa loo qabtay doorooyin kala duwan , waxaana qaarkood odayaashaasi iyo ergada ay dib ugu laabteen deegaanadii ay ka yimaadeen kadib cafis Al Shabaab u fidiyeen.

Ergadi iyo Odayaashii soo doortay Xildhibaanada Golaga Shacabka ayaa ka badan 14-kun oo ruux , waana tiro aad u yar inta maqashay baaqii Al Shabaab marka loo eegto tirada odayaasha iyo Ergada aan tagin deegaanada Al Shabaab.

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

 

- Advertisement -