Ma dhab baa in Sacuudigu ku lug lahaa afgembigii la fashiliyey ee Jordan?

Sacuudiga ayaa si adag u beeniyay inay ku lug leedahay muranka boqortooyada Jordan, hase yeeshee xariga la-taliyaha dhaxal-suge Mohamed Bin Salman ayaa qalqal ka abuuray Riyadh.

Bassem Awadallah, oo loo arko shaqsi saameyn leh oo wax badan ka og xogaha hoggaanka Sacuudiga, ayaa lugaha la galay muranka ka dhex-oogan boqortooyada Jordan, kadibna loo xiray.

Riyadh waxay si rasmi ah u taageertay boqor Cabdallaha Labaad ee Jordan, kadib markii uu xabsi guri maalmo socday geliyey walaalkiisa Amiir Hamza iyo shaqsiyaad kale oo lagu tuhmay dhaq-dhaqaayo lagu qeexay shirqool afgambi.

Saraakiisha Sacuudiga ayaa ku gacan seeray inay ka dambeeyeen khilaafka, ayagoo ku adkeystay in dagaallada sidan oo kale ah ee boqortooyada dhexdeeda ah ay saameyn halis ah ku yeelan karaaan boqortooyooyinka kale ee gobolka.

Tuhunka laga qabo Sacuudiga ayaa soo ifbaxay markii Jordan ay soo jeedisay in gacan shisheeye ay ka dambeysay xiisadda, ayada oo kormeerayaal ay durbadiiba farta ku fiiqeen Riyadh.

Xiisaddan ayaa sidoo kale timid markii ay warbixino warbaahineed sheegeen in xiriirka sii wanaagsanaanaya ee Sacuudiga iyo Israel ay Jordan ku weyn karto maamulkeeda goobaha barakeysan ee Qudus, oo uu ku jiro masjidka Al-Aqsa.

Hase yeeshee ilo-wareedyo ku dhow hoggaanka Sacuudi Carabiya ayaa AFP u sheegay in Riyadh aysan wax dan ah ka laheyn xasillooni darrada Jordan, oo muddo fog xulufo la ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -