Yuusuf Cali Max’ed oo shaqada laga joojiyey & Masuul cusub oo lagu bedelay (Akhriso)

Agaasimihii Guud ee Wasaaradda amniga Soomaaliya Yuusuf Cali Maxamed oo muddo dheer xilkan hayey ayaa shaqadii laga joojiyey ka dib qoraal ka soo baxay Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Wasiir Ducaale ayaa xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha si ku meel gaar ah ugu magacaabay Axmed Cabdi Kooshin, waxaana la faray Hey’addaha amniga dowladda inay si buuxda ula shaqeeyaan.

“Wasiirku wuxuu tixgeliyay ahmiyada Agaasimaha Guud u leedahay dhismaha iyo hannaanka shaqo ee wasaaradda iyo baahida loo qabo howlaha shaqo ee Wasaaradda Amniga Gudaha” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Wasiir Ducaale.

Lama oga sababta rasmiga ah ee xilka looga qaaday agaasimaha oo wararku sheegayaan in shaqo joojinta lagu sameeyey ay dhacday toban cisho ka hor inkastoo wareegtada ay shalay soo baxday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -