Xuutiyiinta oo Weerarkii ugu xooganaa ku qaaday gudaha dalka Sacuudiga

Kooxda Xuutiyiinta shiicada ah ee dalka Yemen oo ay taageerto Iran ayaa Weerar loo adeegsaday dayuuradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drone ku qaaday Warshad sifeysa shidaalka oo ku taalla Sucuudiga, taasoo lagu magacaabo Sheybah.

War-saxaafadeed kasoo baxay shirkada Aramco ee Sacuudiga u qaabilsan soo saarida shidaalka ayaa lagu xaqiijiyay in ciidanka amaanka ay ka hortageen dayuuradaha weerarkaas loo adeegsaday, iyadoo aysan jirin waxyeelo ka dhalatay.

Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa sheegay in 10 dayuuradood ay ku weerareen ceelka shidaalka ee Shaybah ee Sacudia Arabia.

Waxaa uu intaas ku daray afhayeenku in weerarkan uu yahay kii ugu xooganaa ee ay ku qaadaan gudaha dalka Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -