Xeer uu Maanta soo saaray Farmaajo oo la sheegay in uu khilaafsan yahay Dastuurka

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay Xeer Madaxweyne oo dib u dhigaya ansixinta Wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeel Gaarka ah maadaama la galay xilligii doorashooyinka dalka.
 
Xildhibaan Cabdiraxmaan Odwadaa oo katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo soo saaray xeer lagu bedelay qodobka 136 ee dastuulka,  waxa uuna Xildhibaanka xusay in xeerkan Khilaafsan yahay Dastuurka.
 
”Xeerka Madaxweynaha maanta soo saaray ee lagu badalay qodobka 136 ee dastuulka, waxa uu khilaafsan yahay Dastuurka, iyo mabaadi’da uu ku dhisan yahay nidaamka fedraalka ah , Madaxweynaha awoodihiisa ku xusan qodobka 90 ee Dastuurka ka mid maahan sharci dajin iyo wax ka badalid dastuur.” ayuu yiri Xildhibaan Odawaa.
 
Xildhibaanka ayaa sheegay in awoodda sharci dajinta iyo in wax laga badalo dastuurka uu leeyahay Baarlamaanka, waxa uuna tilaabada Madaxweynaha ku tilmaamay ku tumashada dastuurka uu caan ku noqday Farmaajo.
 
”Awoodda sharci dajinta iyo in wax laga badalo dastuurka waxaa leh Baarlamaanka. Tilaabada Madaxweynaha waxa ay qayb ka tahay kutumashada Dastuurka oo caaado iyo tilmaan lagu yaqaan u ahayd Farmaajo oo muddo xileeddkiisa gaba-gabo yahay’, haddii ay Madaxweynaha ka go’an tahay in laga badbaado firaaq dastuuri ah waxaa qasab ah in uu ka shaqeeyo in Baarlamaanku kulan deg deg ah yeesho dabeetana, Wadanka laga samata bixiyo firaaq dastuuri ah. Sida uu sameeyay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 9-aad iyada oo aan lagu tuman dastuurka iyo shuruucda dalka.” ayuu yiri Xildhibaanka.
 
Xildhibaan Odawaa ayaa xasuusiyay Madaxweyne Farmaajo in laga gudbay  xiligii Madaxdu sida ay doonaan u dhaqmayeen, waxa uuna xusay in Wadanku leeyahay Dastuur uuna ka jiro isla xisaabtan , isagoona ugu baaqay Madaxweynaha in wadada saxda ah maro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -