Madaxweyne Gaas oo ka hadlay wararka sheegaya in ay Xiriirka u jareen Imaaraatka

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa ka hadlay wararka sheegaya in maamulka Puntland ay xiriirka u jartay Dowlada Imaaraatka Carabta kana eriday deegaanadeena saraakiil tababarayaal u dhashay Imaaraatka.

Cabdiweli Gaas ayaa maanta booqday xeradda Ciidanka Badda Puntland ee gacanta ku hayso dowladda Imaraatka, waxa uuna beeniyay in wararka sheegaya in dowladda imaraatku ka guurtay Puntland ayna kala baxday saraakiil tababar u joogay xeradda Qow ee ciidanka badda Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa meesha ka saaray in xiriirka u dhaxeeyay maamulka Puntland iyo Imaaraatka uu xumaaday, waxa uuna xusay in Imaaraatka xiriir fiican kala dhaxeeyo ayna sii xoojin doonaan.

” Waxaan idiin sheegayaa in aan dowladda Imaraatka ka codsanay in ay sii wadaan tageeradda iyo tababaridda ciidankeena badda iyadoo lasii xoojinayo gacan siinta mashruuca,waxaad lasocotaan in dowladda imaraatku Puntland ka wadaan mashariic dhaqaale badan galayo,majirto cid noo badelaysa booska ay noo jogaan imaraadku,mana jirto cid noola siman”.Madaxweyne Gaas.

Xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa meel xun gaaray, waxaana dhawaan Deegaanada Puntland isaga baxay saraakiil tababarayaal ah oo u dhashay Imaaraatka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -