Allbanaadir.com
NEWS

Kawaan Casri ah oo laga dhisay magaalada Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray kawaan cusub oo casri ah, kaasi oo loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan Iskaashatada Kaluunka Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Kawaankaan cusub uu qeyb ka qaadanaayo dhiiragelinta iyo casriyeynta Suuqa Ganacsiga Kaluunka ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis Marwo Ubax, Guddiga iskaashatada Kaluunka iyo Bulshada qeybaheeda kala gedisan.

Related posts

Dowladda oo beenisay in Shil diyaaradeed uu ka dhacay garoonka Aadan Cadde

Cabdi Cade

Ciidamada Booliiska oo gacanta ku dhigay Eedeysane Cali Khaliif oo maanta dil geestay

Cabdi Cade

Cabdirashiid Janan oo Shaaciyay in Gedo u tagay si uu u fuliyo Baaqii Madaxweyne Xasan Sheekh

Cabdi Cade
Taboola Ads ---