Doorasho maanta ka dhaceysa Kismaayo iyo amniga oo si weyn loo adkeeyey

Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Kismaayo ay ka dhacdo doorashada Guddoonka baarlamaanka Maamulka Jubbaland ee afarta sano ee soo socota.

Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana ku sugan goobta loogu tala galay in lagu qabto doorashadda guddoonka KMG ah ee baarlamaanka Jubbaland Ciidanka Booliska iyo kuwa AMISOM.

Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa sheegay in maanta ay dhacayso doorashadda Gudoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen oo ay u taagan yihiin dhowr musharax.

Xubno ka socda beesha Caalamka ayaa goobjoog ka noqon doona Doorashadda guddoonka baarlamaanka Jubbaland ee maanta dhaceysa, mana jiro wafdi ka socda dowlada Somalia oo doorashadan goob jog ka noqon doona.

Sidoo kale, waxaa magaalada Kismaayo ka dhacaya 22-ka bishan doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo ay u taagan yihiin Musharaxiin uu ka mid yahay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee maamulkan Axmed Madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -