Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Dib u dhac ku yimid xiliga uu furmayo Shirka Dib u Heshiisiinta Galmudug iyo Sababta keentay

Waxaa mar kale dib u dhac ku yimid xiliga uu furmayo shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug oo la filayay in beri oo sabti ah oo ku beegan 17-da Agoosto uu ka furmo magaalada Dhuusomareeb.

Dib u dhaca ku yimid furitaanka shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa sabab looga dhigay ergada shirka ku matalaya beelaha dega Galmudug oon wali wada gaarin magaalada Dhuusomareeb iyo beelaha qaar oo wali cabasho qaba.

Inta badan ergada Shirka ka qeyb galeysa ayaan wali gaarin magaalada Dhuusomareeb uu shirku ka furmayo, waxaana beri la filayaa in magaaladaasi gaaraan qaar kamid ah odayaasha iyo ergada shirkaasi beelaha qaar ku matalaya.

Guddiga qaban qaabada shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Galmudug ayaan wali ka hadlin dib u dhaca shirka ku yimid , waana markii labaad uu dib u dhac ku yimaado furitaanka shirkan.

Wali lama oga xiliga rasmiga ah uu shirkan ka furmayo magaalada Dhuusomareeb, waxaana wararka aan heleyno sheegayaan in suurto gal tahay in shirkan furmo isbuucan gudihiisa ayna inta badan ergada xaadiraan furitaanka shirkaasi.

 

Related posts

Ra’isul Wasaare Rooble oo Fogaan arag kula shiray Guddi uu dhawaan Magacaabay

Cabdi Cade

Dowlada Kenya oo War kasoo saartay Eedeymaha uga imaanaya dowlada Soomaaliya

Cabdi Cade

Xarunta Bangiga Daryeel ee Muqdisho oo maanta si rasmi ah loo daah furay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---