Dowlada Kenya oo War kasoo saartay Eedeymaha uga imaanaya dowlada Soomaaliya

War Qoraal ah oo kasoo baxay Wasaarada arimaha dibadda Kenya ayaa looga jawaabay eedeymo dhawaan uga yimid dowlada federaalka Soomaaliya oo ku eedeesay in faragalin ku heyso arimaha gudaha Soomaaliya.

Wasaarada arimaha dibadda Kenya qoraalka kasoo baxay ayaa lagu sheegay eeda dowlada federaalka kasoo yeertay in ay tahay mid aan sal iyo raad laheyn oo lasoo dhoo dhoobay, waxaana Kenya sheegtay in eeda Dowlada laga leeyahay arimo siyaasadeed oo dahsoon.

Kenya ayaa sheegtay in aysan jirin faragalin ay ku heyso arimaha gudaha Soomaaliya , waxa ayna sharci daro aan laga fiirsan lagu tilmaamay eedeymaha uga imaanaya dowlada Soomaaliya.

Waxa ay ku baaqday dowlada Kenya in laga joojiyo eedeymaha aan jirin ee danaha siyaasadeed huwan, waxa ayna Kenya sheegtay in eedeymaha yihiin kuwa suurad xumeenaya waxna u dhimaya xiriirka labada dal.

”Kenya waxa ay diidan tahay eedeymaha aan sharciga aheyn, ma aqbaleyno in sidan loo isticmaalo eedo aanan jirin, waxaan ku dhiiro galineynaa dowlada Soomaaliya in ay joojiso ololahan ay wado, waxaan leenahay isticmaala tamar si awooda u gaarsiisaan dadkiina” ayaa lagu yiri Qoraalka Kenya kasoo baxay.

Warkan kasoo baxay dowlada Kenya ayaa kusoo aadaya xili dowlada Soomaaliya ku eedesay dowlada Kenya in faragalin ku heyso arimaha gudaha Soomaaliya gaar ahaan xadka labada wadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -