Qoyska nin Kenyan ah oo lagu dilay Boosaaso oo dalbaday Caawinaad iyo Cadaalad (Sawirro)

Qoyska nin Kenyan ah oo 12kii bishan August lagu dilay magaaladda Bosaso ayaa ka codsaday dowladda Kenya inay ka caawiso sidii maydkiisa looga soo qaadi lahaa Puntland, looguna aasi ahaa degaankaasi.

Warbaahinta Kenya ayaa Ninka la dilay ku magacowday Cosmas Joseph Owuor oo 41jir. Ninkana ayay sheegen inuu ka shaqaynayay hotel ku yaal magaaladda Bosaso, Halka markii hore la sheegay inuu u shaqaynayay shirkadda Kalluumaysi oo laga leeyahay Puntland.

“Ma awoodno dhaqaale ahaan inay maydka wiilkayaga keeno wadanka. waana sababtaas aan dowladda Kenya uga codsanaynaa inay na caawiso” Sidaas waxaa yiri Aabaha dhalay ninka lagu dilay Bosaso oo isdoo kale codsaday in cadaalad uu helo wiilkiisa,

Haweenadii uu ka qabay Ninka la dilay Juliana Kimori ayaa warbaahinta maxaliga ah ee Kenya u sheegtay in Saygeedu uu heshiis 6 billood ah uu kula shaqaynayay Hotel Kismaayo. Waxay sheegtay in markii dambaysay ee ay wade hadleen ay ahayd maalintiii Jimcihii ee toddobaadkii hore, isagoo u ballanqaaday inuu u soo diro lacagtii Dharka iskuulka ee caruurta.

” Annigoo sugayaa inuu ii soo diro lacagtii uu iga ballanqaaday, ayaan telefoon u diray isniintii, Waa dansanaa telefoonkiisu. goor dambe oo maalintaas ah waxaa ii yimid warka dhiilada ahaa ee dilkiisa” ayay tiri Marwo Julian Kimori

Ciidamada booliiska ee gobolka bari ayaa gacanta ku dhigay ninka dilka ka gaystay magaaladda Bosaso. Booliisku waxay sheegeen inay baarayaan sababta keentay dilka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -