(Akhriso) Beesha caalamka oo War culus ka soo saartay doorashada Jubbaland

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Q/Midoobay oo ay soo saareen Wakiilada Beesha Caalamka ayaa looga hadlay xaaladda Doorashada Maamulka Jubbaland oo waan-waan ay ka dhex bilaabeen.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Mas’uuliyiin sare oo ka socda Midowga Afrika, IGAD iyo Q/Midoobay ay maanta tageen magaalada Kismaayo si ay ula hadlaan dhinacyada ay quseyso qabanqaabada Doorashada Jubbaland ee madaxweynaha iyo Baarlamaanka maamulkaasi.

Wafdiga Beesha caalamka ayaa kulamo kala gaara la yeeshay Madaxda Jubbaland iyo dhinacyada kala duwan oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Axmed Madoobe, Guddiga Doorashada Jubbaland, qaar ka mida Musharixiinta Madaxweynaha. Odayaasha Dhaqanka, haweenka iyo Bulshada rayidka ah, iyagoo bogaadiyey dhammaan dhinacyda oo ay dhageysteen kradaha kala duwan.

Qoraalka kasoo baxay Beesha Caalamka waxayku caddeysay in doorashada Jubbaland

ay tahay mid si weyn loogu loolamayo, ayna welwel ka qabaan haddii aan xal loo helin xaaladda taagan in ay dhalin karto amni darro ka dhaca Jubbaland xilligan oo ay muhiim tahay in la helo midnimo iyo xasilooni buuxda.

Midowga Afrika, IGAD iyo Q/Midoobay waxay ku adkeysteen in loo baahan yahay hal nidaam oo doorasho sida ku cad Dastuurka Jubbaland iyo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, waxayna cadaadis ku saareen Guddiga Doorashooyinka Jubbaland inuu noqdo mid loo dhan yahay oo la isku waafaqsan yahay. Waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada kala duwan inay ka waantoobaan fal kasta oo keeni kara gacan ka hadal ama amni darro.

Waxay kaloo dhinacyada Jubbaland ee is haya ku booriyeen in inay khilaafka u dhaxeeya ku dhammeeyeen wadahadal si nidaamka Doorashada u noqdo mid lagu kalsoonaan karo oo la wada aqbalsan yahay, kuna dhaca si xor iyo xalaal ah.

Ugu dambeyn Midowga Afrika, IGAD iyo Q/Midoobay waxay sheegeen inay sii wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan inay u kala dab qaadaan dhinacyda Jubbaland ku loolamaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -