Beelaha Jubaland ee xaqooda hela, kuwa waaya iyo kuwa Sadbursiga qaata !!

Qormadaan ujeedkeedu waa toosin si looga gudbo wixii halaagay Soomaaliya sida Nintooxsi, Caddaalo daro iyo Eex. Waxaan qormada Diiradda ku saarayaa;

Beelaha Soomaaliyeed ee Xaqooda ku waayay Jubaland, kuwa Xaqooda helay iyo kuwa helay waxa aan Xaqooda ahayn.

Inkastoo maqaalka aan ku xusayo magacyo beelo Soomaaliyeed hadana ma jirto qabiil gaar ah oo aan ku Af lagaadeyn doono balse Ujeedada waxaa weeye in la cadeeyo beel walba xaqeeda.

Beelaha Xaqooda la duudsiiyay

1: #Gaaljecel :-Waa beel si weyn u degan Jubooyinka waxayna degtaa gobolada Jubada Hoose iyo Jubada dhexe sida Kismaayo, Jilib, Saakow iyo Tuulooyin kor u dhaafaya 50 Tuulo oo u badan jubada hoose. Waxay Beeshaan Jubaland ka heshaa 3 xildhibaan, waxayna xaq u leedahay xildhibanao intaas ka badan maadaamaa beel deegaan ah tahay.

2: #Shiikhaal :-Beesha Shiikhaal waxay ka mid tahay beelaha degan Jubada hoose iyo Jubada dhexe gaar ahaan Kismaayo, Jilib, Hoosingow iyo tuulooyin kor u dhaafaya lixdan tuulo waana dad deegaan ah labadaas gobol. Waxay maamulka Jubaland ka heshaa 3 xildhibaan, waxayna xaq u leedahay xildhibaano intaas ka badan.

3: #Leesaan :-Beesha leesaan waxay deegaan ku tahay degmooyinka Saakow ee Jubada dhexe iyo Baardheere oo ka tirsan Gedo iyo waliba Tuulooyin kor u dhaafaya 30 Tuulo oo ka wada tirsan Baardheere iyo Saakow, balse wax Xildhibaan ah kuma lahan Jubaland, waxayna xaq u leedahay dhowr xildhibaan.

4:#Ajuuraan:-Beesha Ajuuraan waxay degan tahay Gobolada Jubada dhexe iyo Gedo gaar ahaan degmooyinka Bu’aale, Saakow, Baardheere iyo Tuulooyin kor u dhaafaya 40 Tuulo, waxayna Jubaland ku leedahay kaliya hal xidhibaan waxayna xaq u leedahay Xildhibaano intaas ka badan.

5: #Jareer_wayne:-Beelaha Jareer wayna gaar ahaan Mushunguli, Baajuun iyo Shanbare waxay ka mid yihiin beelaha sida weyn u degan deegaanada Jubada hoose, Jubada dhexe, qaybo ka mid ah Gedo iyo waliba Tuulooyin kor u dhaafaya 100 Tuulo. Waxay xildhibaan ahaan Jubaland ka helaan 4 xildhibaan, waxayna xaq u leeyihiin in ka badan maadaamaa ay ka mid yihiin beelaha ugu deegaanka weyn Jubaland.

6: #Cawrmale:-Beesha Cawrmale oo ka mid ah beelaha sida weyn udegan Jubada hoose iyo tuulooyin kor u dhaafaya 10 Tuulo, ayaa ka mid ah beelaha lagu dulmiyo Jubaland, waxayna helaan 2 xildhibaan waxayna xaq u leeyihiin in ka badan xildhibaanadaas.

6: #Gugundhabe iyo #Saransoor:-Beelaha gugandhabe iyo Saransoor sida Garjante, Murale iyo Dagoodiye waxay ka mid ah beelaha degan Gobolka Jubada dhexe iyo Gedo, inkastoo deegaanadooda kooban yahay hadana, ugu yaraan waxay xaq u lahaayeen in la siiyo min hal xildhibaan maadaamaa beelo aan deegaan ku lahayn oo magaalooyinka qoysas ay ka joogaan la siiyay xildhibaano.

7: #Xawaadle:-Beesha Xawaadle ayaa ka mid ah beelaha degan Jubaland gaar ahaan Jubada dhexe, Jubada hoose iyo Gedo, waxayna ku leeyihiin tuulooyin kor u dhaafaya 15, balse ma helaan wax xildhibaan ah, waxayna xaq u leeyihin inay ay helaan dhowr xildhibaan.

8: #Abgaal iyo #Murusade:-Dad badan ayey filan waa ku noqonaysaa in Abgaal iyo Murusade ay dagaan Jubbada Hoose) gaar ahaan Tuulooyinka 1- Turdho, 2- Naftaahuur iyo waliba deegaan balaaran oo baadiye ah, labadaan beelood wax xildhibaan ah kama helaan Jubaland, waxayna xaq u leeyihiin in la siiyo min hal xildhibaan maadaama dad deegaan yihiin.

La soco qaybaha kale oo ku eegi doono beelaha xaqooda hela iyo kuwa sadbursiga sameeya. 

Hussein Sahnuni
Qaahira-Masar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -