Xildhibaano badan oo gaaray Kismaayo iyo xog ku aadan Ujeedka Socdaalkooda (Sawirro)

Xildhibaano katirsan labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland, halkaas oo la filayo in dhawaan ka dhacdo doorashada Hogaanka Jubbaland.

Xildhibaanadan gaaray magaalada Kismaayo ayaa u badan kuwa mucaarad ku ah xukuumada Soomaaliya, waxa ayna Xildhibaanadan taageersan yihiin in mar kale Hogaanka Jubbaland uu kusoo baxo Axmed Madoobe.

Sida aan Wararka ku helnay Xildhibaanadan ayaa magaalada Kismaayo u tagay si ay goob joog uga noqdaan Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Jubbaland iyo tan Madaxweynaha oo isbuuca soo socda Kismaayo ka dhaceysa.

Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa sheegay in ujeedkooda u yahay in ay goob joog ka noqdaan doorashada Jubbaland, waxa ayna ugu baaqeen dowlada federaalka Soomaaliya in faragalinta ka dhaafto doorashada.

Dowlada Federaalka ayaa kasoo horjeeda sida ay hada u socoto qaban qaabada doorashada Jubbaland, waxa ayna dowlada horey u shaacisay in aysan aqoonsan doonin natiijada kasoo baxda Doorashada Jubbaland hadii aan wax laga badelin sida ay wax u socdaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -