Nin 800 KM gadaal gadaal u soconaya iyo Sababta Ku kaliftay (Daawo Sawirro)

Nin u dhashay dalka Induniisiya ayaa soo jiidanaya indhaha warbaahinta kaddib markii uu qaaday tallaab hor leh oo uu ku badbaadinayo degaankiisa. Medi Bastoni, oo 43 jir ah, ayaa socod lugta ah oo gadaal-gadaal u socosho ah wuxuu kaga soo tagay Bariga Java. Wuxuuna doonaya inuu ku yimaado caasimadda Jakarta si uu ula kulmo Madaxweynaha.

Safarkiisu wuxuu soo bilowday bishii July 18. Wuxuuna doonaya inuu 800 oo km usoo jaro si 17 August oo ku beegan 74 guuradii kasoo wareegtay xurnimada Induniiisiya u yimaado caasimadda Jakarta.

Hadafkiisa ugu weyn wuxuu yahay inuu kor u qaado wacyiga degaanka iyo in la horumariyo mashruuca dhir-beerista Buuraha Wills oo xaafaddiisa u dhow. Goor hore ayuu sheegay in geyfanayaashu ay kaalintooda ku biiriyeen ilaalinta iyo qurxinta degaanka, balse waxaa doorkooda ka dhiman kaalinta dowladda.

Madaxweyne Joko Widodo ayuu kala hadli doonaa xaaladda degaanka iyo sida loo ilaalin karo dabeecadda arlada.

Wuxuu qorsheynayaa in maalin walba uu jaro masaafo dhan 30 km. Wuxuuna isku haleynayaa gacmaha samafalayaasha oo inta uu jidka kusii jiro u fidin doona gargaar.

Gadaal-gadaal-u-socoshada waxaa ka kaalmeynaya hoosiis ‘sida dallada u ‘sameysan’ oo labada dhinac ku leh muraayado ‘biladaye’ si waxa ka gadaaleeya uusan ugu dhicin.

“Waxaan ku nastaa masaajidda, sal-dhigyada booliska, iyo wixii lamid ah,” ayuu yiri.

Socdaalkiisa ayuu ku sheegay mid uu sidoo kale ku weyneynayo halgamayaashii naftooda usoo huray xurnimada iyo horumarinta Induniisiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com
- Advertisement -