Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Meydka Soomaali la dilay oo laga helay hoygiisa oo ku yaalla Magaalada Otterndorf

Booliiska Jarmalka ayaa habeen hore xilli saq dhexe aheyd waxay nin Soomaali ah oo 26 sano jir ah meydkiisa ka heleen guri uu degnaa oo ku yaalla magaalo la yiraahdo Otterndorf oo dalkaas ku taalla.

Boliiska ayaa waxaa wargeliyey dad Soomaali ah, oo meydka ninkan arkay, iyadoo Otterndorf ay ku taallo gobolka Niedersachsen.

Saraakiisha Booliisku ayaa sheegay iney aaminsan yihiin in la dilay ninka ka dib markii ay jirkiisa ka heleen calaamado muujinaya in la dilay, iyagoo haatana wada baaritaano la xiriira sababta loo dilay ninkan iyo cida ka dambeysay.

Ninkan Soomaaliga ah ee lagu dilay dalka Jarmalka oo aan magaciisa la sheegin ayaa meydkiisa waxaa gacanta ku haya booliska oo baaritaan ka dib ku wareejin doona Soomaalida si ay u aasaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Qalalaase dad lagu dilay oo ka dhacay Magaalada Qudus iyo Daanta Galbeed

Caydiid Ali

Cabdi Qeybdiid oo sheegay in uu Dil ka bad baaday ayna jirto qatar ku wajahan isaga iyo qoyskiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---