Habraaca Shirka Dib u heshiisiinta beelaha Galmudug oo lasoo saaray

Waxaa socda diyaar garow xoogan oo loogu jiro furitaanka shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug oo la filayo in 17-ka bishan uu ka furmo magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug.

Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta oo kulan yeeshay ayaa soo saaray habraaca horu dhac ah u ah shirka dib u heshiisiinta ee ka furmaya magaalada Dhuusomareeb.

Guddiga ayaa soo saaray Habraacan horu dhaca ah

1-Bilawga soo dhaweynta iyo Qaabilaadda Ergooyinka ka qeyb-galayaasha Shirka.

2-Hubinta iyo Kormeeridda Goobaha Shirka iyo Deegaanka Ergooyinka.

3-Diyaarinta Ajandaha iyo Agabyada Shirka.

4-War-gelinta iyo Diyaar-garowga Hay’adaha Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka.

5-Xadeynta Waqtiga soo gaaridda Ergooyinka Goobta Shirka oo ah: 14 – 16 Bishaan iyo Furitaanka Shirka oo ah: 17 ka Bishaan.

Shirkan qaban qaabadiisa ay socoto ayaa waxaa jira beelo dega deegaanada Galmudug qaarkood oo horey u shaaciyay in aysan ka qeyb gali doonin, lamana oga sida guddiga ay ka yeeli doonaan beelaha diidan in shirkan ka qeyb galaan.

 

- Advertisement -