Cali Guudlaawe oo Ammar siiyay maamulka G/Hiiraan iyo kan Baladweyne (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta kulan la qaatay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka.
 
Madaxweynaha ayaa kulankaan warbixin uga dhageystay Masuuliyiinta Maamulka Gobolka iyo kan degmooyinka iyagoo ka warbixiyay xaaladaha nololeed ee ka jira deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan.
 
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa Madaxweynaha uga barxiyay abaaraha baahsan ee ka jira Gobolka si gurmad deg deg ah loogu sameeyo deegaanada ugu daran ee abaaruhu ka jiraan.
 
Madaxweynaha ayaa balan qaaday in gurmad biyo dhaamin iyo gargaar la gaarsiin doono deegaanada iyo degmooyinka ay abaaraha ka jiraan.
 
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn faray Maamulka Gobolka in si deg deg ah uga shaqeeyaan amniga iyo xasilinta Magaalada Beledweyne si looga hortago kooxaha nabad diidka ee dhibaateeya Bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -