Xildhibaano kale oo looga dhawaaqay Kismaayo iyo Xiisad soo korortay (Akhriso Magacyada iyo Qabiilada)

Guddi doorasho ay dhawaan magacaabeen Musharaxiinta Madaxweynaha Jubbaland ee kasoo horjeeda Axmed Madoobe ayaa saakay ku dhawaaqay liiska Xildhibaano ay sheegeen in ay soo xuleen waxgaradka Jubbaland.

Liiska Xildhibaanada ay soo saareen kooxda kasoo horjeeda Axmed Madoobe ayaa gaaraya 66-Xildhibaan, waxaana guddigan soo bandhigeen magacyada iyo Qabiilada Xildhibaanadan dhankooda soo magacaabeen.

Qaar badan oo kamid ah Xildhibaanadan ay soo magacaabeen guddigan ay dhiseen Musharaxiinta isbadal doonka ah ayaa badankood aysan joogin magaalada Kismaayo, waxa ayna joogaan Muqdisho iyo magaalooyin kale.

Xiisad ka dhalatay Xildhibaanada iska soo horjeeda ee lagu dhawaaqay ayaa laga dareemayaa magaalada Kismaayo, waxaana muuqata in halkaasi ka jiro midi midi ku taag iyo foodo siyaasadeed kahor doorashada Madaxweynaha iyo Gudoonka Baarlamaanka.

Akhriso Magacyada iyo Qabiilada Xildhibaanadan kale ee looga dhawaaqay Kismaayo.

- Advertisement -