Maxaa kusoo kordhay Shirkii Golaha Wasiirada ee la qorsheeyay in Garawe lagu qabto ?

Magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland waxaa ku sugan Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaalia Xasan Cali Kheyre , kuxigeenkiisa iyo inta badan golaha Wasiirada Soomaaliya.

Shirka Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa la qorsheeyay in maanta oo Khamiis ah lagu qabto magaalada Garawe, waxaana saacadihii lasoo dhaafay shaki la galinayay in Shirka ku qabsoomo Garawe kadib xiisad Siyaasadeed oo soo korortay.

Sida aan Wararka ku helnay xalay ilaa saakay magaalada Garawe waxaa ka socday kulamo xasaasi ah oo lagu xalinayay xiisada ka dhalatay Go’aankii Ra’isul Wasaare Kheyre ku diiday in uu dhagax dhigo Dekadda Garacad.

Shirar kala duwan ay yeesheen Masuuliyiinta Dowlada ee ku sugan Garawe iyo Madaxda Puntland ayaa ugu dambeyn isku racay in uu qabsoomo shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya,iyadoo wixii khilaaf ahna wada xajood iyo shirar kale loo balamay.

Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo ka dhaco xarunta Wasaarada Maaliyada ee maamulka Puntland , lamana oga wali ajandaha looga hadli doono Shirka Golaha Wasiirada.

Magaalada Garawe waxaa ku sugan Wafdi balaaran uu hogaaminayo Xasan Kheyre oo magaaladaasi u tagay ka qeyb galka Xuska 1-da Agoosto, hasa ahaatee xiisad Siyaasadeed ayaa magaalada kasoo korortay kadib go’aankii Kheyre ku diiday in uu dhagax dhigo Dekadda Garacad oo horey loo qorsheeyay in uu dhagax dhigo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -