Qaar ka mid ah dalalka islaamka oo Maanta u dabaaldegay maalinta 1aad ee Ciidul-adxaa

Dowlado islaam ah iyo Muslimiin ku nool dalal ay ku yar yihiin ayaa maanta ay u tahay maalintii koowaad ee Ciidul Adxaa, halka inta badan dalalka Islaamka ay shalay u dabaal degaan maalinta koowaad ee Ciida, ayna u ahayd 10-ka Dulxaj.

Arrintan ayaa salka ku heysa dhalashada Bisha Dulxaj oo dalalka qaarkood aysan isku si u arkin, kuna kala duwan yihiin aragtida iyo sugnaanshaha Bisha Carafo, taasoo keentya in laba maalmood iyo ka badan ay muddo dheer kala ciidaan dalalka iyo dadka islaamka ah ee ku nool dalalka ay ku yar yihiin ee dunida inteeda kale.

Khilaafka maalinta koowaad ee Bisha Dulxaj ayaa si isku mida loo arkin waxaana dalalka ay maanta u tahay maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa iyo Ciida Fitriga ee Soonfur ayaa joogto ah iyadoo dalalka islaamka ay ku kala duwan yihiin.

Dalalka maanta laga ciidayo maalintii koowaad ee Ciidul Adxaa waxay kala yihiin: Cumaan, Marooko, Iiraan, Pakistan, Mauritania, Naygeria, Shiicada Ciraaq, Shiicada Lubnaan, Muslimiinta Srilanka oo ah muslimiinta laga tiro badan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -