Allbanaadir.com
NEWS

Sirdoonka Ingiriiska oo qabtay dad basaas u ahaa Ruushka

Hay’adaha ammaanka Ingiriiska ayaa gacanta ku dhigay saddex qof oo u dhashay dalka Bulgaria oo lagu eedeyay inay la shaqeynayeen sirdoonka Ruushka, kuwaasoo la sheegay inay howlgallo basaasnimo ka wadeen gudaha Ingiriiska.

Howlgalkan lagu qabqabtay dadka basaanimada lagu tuhmayo ayaa ,  lagu tilmaamay howlgalkii ugu sarreeyay oo sirdoon shisheeye ay ka dhex qabanayeen gudaha Ingiriiska, waxaana dadkan hadda lagu hayaa xarun sirdoon oo su’aallo lagu weydiinayo.

Saddexda qof ee lagu eedeyay inay u shaqeynayeen Ruushka ayaa isugu jira labo dumar ah iyo hal nin, intii u dhaxeysay 2020 illaa 2023 ayaa la sheegay inay howlgallo basaasnimo ka fuliyeen dalal kale oo Yurub ah oo Jarmalku ku jiro, iyagoo beegsanayay xarumaha militariga shaqsiyaadka saameynta leh, wariyeyaal iyo goobaha muhiim ah.

Basaasiintan ayaa la sheegay in ay lahaayeen xirfado kale duwan oo isugu jira farshaxanka, caafimaadka iyo qurxinta oo ay si maalinle ah ugu shaqeyn jireen, si aan wax raad ah loogu helin. Waxay heysteen tababbaro is difaacid ah, inay fulin karaan howlgallo afduub iyo dil ah, sida ay warbaahinka ka soo xigatay booliiska London..

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Shaakir oo Shaaciyay in aan Dagaal looga saarin Guriceel balse Sabab kale uga baxeen

Cabdi Cade

Weerarada Xuutiyiinta oo laf dhuun gashay ku noqday Israel

Caydiid Ali

(Sawirro) Su’aalo la iska weydiinayo shilka uu ku dhintay Madaxweyne Ibrahim Raisi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---