Wasiir dowlada Imaaraadka ugu hambalyeeyay Guusha ay ka gaareen Dagaalkii ka socday…

Maleeshiyaad aad u hubeesan oo taageero ka hela dowlada Imaaraadka Carabta ayaa la wareegay inta badan magaalada Cadan oo xarun u aheyd dowlada caalamku aqoonsan yahay ee Yeman.

Ciidamada dowlada ayaa dagaal adag kala hortagay maleeshiyaadka hubeesan ee Gooni goosadka koonfurta Yeman, waxaana ugu dambeyn ciidamada lagu jabiyay hubka gaashaaman oo dowlada Imaaraadka ku taageertay maleeshiyaadkaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda Caalamku aqoonsan yahay ee Yemen Axmed Al-Mayssar ayaa ku eedeeyay dowlada Sacuudiga iyo Madaxweynaha Yamen ee kunool Sacuudiga in ay ka aamuseen dagaaladii xooganaa ee Cadan ka socday.

Waxa uu sheegay Wasiirka in magaalada Cadan maleeshiyaadka qabsaday ay taageero soo siisay Imaaraadka, waxa uuna xusay in ciidamada dowlada soo weerareen maleeshiyaad ku hubeesan 400-gaari oo gaashaaman oo Imaaraadku bixiyay.

Wasiirka arimaha gudaha ayaana muuqaal uu soo duubay ugu hambaleeyay guusha dowlada Imaaraadka ka gaartay dagaalka Cadan ,kadib markii maleeshiyaadka ay taageerto la wareegeen xarumihii dowlada iyo dekadda magaaladaasi.

Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay in uu hubeeyay tababarna siiyay maleeshiyaad gaaraya 90-kun ,kuwaa oo doonaya in Koonfurta dalka Yaman ay noqoto dal ka madax banaan Yamen inteeda kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -