Nin gaari qaali ah oo hadiyad ahaan loo siiyay Wabi ku riday !! (Sawirro)

Nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Hindiya ayaa dad badan ka yaabsaday, kadib markii gaari qaali ah oo nuuciisu yahay BMW oo hadiyad ahaan loogu keenay uu ku tuuray wabi kuyaala gobolka Haryana.

Warbaahinta dalka Hindiya ayaa ku waramaysa in ninkan maalinta dhalashadiisa hadiyad ahaan qoyskiisa ugu soo gadeen gaari nuuciisu yahay BMW oo lagu soo iibiyay lacag ka badan 41-kun oo Dollar.

Ninkan oo kasoo jeeda qoys maalqabeen ah ayaa la sheegay in uu ka carooday gaariga BMW-ga loo keenay oo la sheegay in uusan dooqiisu aheyn, waxa uuna ninkan rabay in loo keeno gaari nuuciisu yahay Jaguar oo lagu qiimeeyay lacag dhan ah $49,000.

Muuqaal lasoo duubay ayaa laga dhax arkayay ninka ka carooday gaariga hadiyad ahaanta loo siiyay oo wabi ku dhax tuuray, waxaana markii dambe la sameeyay dadaalo wabiga gaariga looga saarayo.

Booliiska ayaa bilaabay baaritaano ay ku sameenayaan dhacdadan dadka badan ka yaabisay, waxaana falka uu ku dhaqaaday ninkan kasoo jeeda qoyska maalqabeenka ah hadal heyn badan ka abuurtay baraha bulshada dalka Hindiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -