Mahad Salaad: “Wasaarada A/Gudaha xaq uma laha faragelinta doorashada Jubbaland”

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mudaneyaasha baarlamanka Somalia ayaa sheegay in Wasaarada Arimaha gudaha Somalia aysan xaq u laheyn iney fara geliso doorashada Maamulka Jubbaland sharci ahaan.

Hadalkan ayaa ku soo aadeya xili saaka wasaarada arrimaha gudaha ay soo saartay War-saxaafadeed ay kaga digeyso qaabka maamulka Jubbaland u wajahayo doorashada la filayo iney dhowaan ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Hoos ka akhriso Qoraal uu baraha bulshada soo dhigay Xildhibaan Mahad Salaad.

Xukuumada Soomaaliya ha u hoggaansanto faritaanada dastuurka, faragelintana haka dhaafto doorashada Jubaland!

Dhisamaha hay’adaha sharcidejinta iyo fulinta ee dowlad goboleedyada waa mas’uuliyad u gaar ah dowlad goboleedyada, waxaana nidaaminaya dastuurka dowlad goboleedka sida ku cad Qodobka 120aad ee dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Wasaarada Arimaha Gudaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya sharci ahaan xaq uma lahan in ay farageliso doorashada dowlad goboleedka Jubaland. Warsaxaafadeedka maalinlaha ah ee ay soo saaraysana sharci wax lagu maamulo noqon maayo. Sidaas daraadeed, waa in ay ilaaliso una hoggaansanto faritaanada dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyo kan dowlad goboleedka Jubaland.

Mahadsanidiin.
Hon. Mahad Salad

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -