Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Daacish oo soo bandhigtay Dagaal ay la galeen Al Shabaab iyo hub ay ka furteen (Daawo Sawirro)

Kooxda Daacish ayaa dhawaan shaacisay in dagaal xoogan oo ay Al Shabaab kula galeen deegaan kuyaala duleedka degmada Qandala ee gobolka Bari ku dileen dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab.

War kasoo baxay kooxda Daacish ee ka dagaalanta wadamo ay Soomaaliya kamid tahay ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda ay dileen 14-xubin oo katirsan Ururka Al Shabaab ee ku sugan Puntland.

Daacish ayaa sheegtay xubnaha katirsan Al Shabaab ee dileen in ay diyaarinayeen weerar ay kusoo qaadaan fariisimo ay leeyihiin dagaalyahanada Daacish ee jooga qeybo kamid ah deegaanada Puntland, waxa ayna Daacish sheegtay in hub ka qabsadeen Al Shabaab.

Wakaalada Wararka u faafisa Daacish ee Acmaaq ayaa soo bandhigtay hub la sheegay in Al Shabaab looga qabsaday dagaalka ka dhacay degaanka B’ir Mirali oo koofur Galbeed uga beegan degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Dagaalyahanada Daacish iyo Al Shabaab ayaa la sheegay in ay isku ugaarsanayaan qaar kamid ah gobolada dalka,dagaalyahanada hada ku biiray kooxda Daacish ayaa la sheegay in horey uga tirsanaayeen Ururka Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxda 4 dal oo booqasho kedis ah ku tagay caasimada Ukraine ee Kyiev (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in cabitaanka Coca-cola hadda ka dib lagu soo darayo daroogada Xashiishka?

Caydiid Ali

Midowga Yurub oo dal dhan ciidamadiisa ku daray liiska argagaxisada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---