Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Siyaasi hore oo ka mid noqday dad saaka lagu dilay duleedka Baydhabo

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Magaalada Baydhabo falal kala duwan oo lagu dilay 5 qof ayaa ka dhacay duleedka Magaaladaasi, markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen.

Laba qof oo dhalinyaro ah ayaa ugu horeyn lagu dilay duleedka magaalada Baydhaba, kadibna waxaa la xaqiijiyey in weerar kale lagu dilay saddex ruux oo uu ka mid yahay Ganacsade iyo siyaasi hore oo caan ahaa Cali Aadan Marguus oo lagu dhex dilay Beer weyn oo uu lahaa.

Wararka ayaa sheegaya in dilka Cali Aadan Marguus uu la xiriiro Muran uu ka taagnaa Dhul ku yaalla Duleedka Magaalada Baydhabo, welina ma jirto cid sheegatay dilalkan.

Dableyda dilka geysatay ayaa baxsatay, waxaana magaalada Baydhaba ka taagan xiisad ka dhalatay dadka lagu dilay duleedka magaaladaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Laftagareen iyo safiirada dalalka Maraykanka & UK? (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Rooble & Wakiilka Midowga Afrika oo kulan iskugu yimid ka dib weerarkii shalay

Caydiid Ali

Kenya oo bilowday bixinta shatiyada Qaadka loo soo dhoofinayo Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---