Marxuum Eng Yariisow oo loogu magac daray garoon caan ah iyo Farmaajo oo ku dhawaaqay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Stadium loogu magac daray Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng Yariisow.

Farmaajo oo khudbad ka jeedinayey isku soo bax ka dhacay garoonka oo loogu duceynayey marxuumka ayaa sheegay in Ing. Yariisow uu naftiisa u huray Dalka, qof kasta oo Halyeey ah oo Dalkaan wax kusoo kordhiya sidaas loo xasuusanayo.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda fedraalka Somalia iyo boqolaal shacab ah ayaa garoonka kubadda cagta ee Banaadir kaga qeyb galay saaka isku soo baxan loogu duceynayay allaha u naxariistee guddoomiyihii gobolka Banaadir Eng. Yariisow.

La soco goor dhow sawiradda iyo warbixinta warkan oo dhameystiran insha ALLAAH.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -